Waa Maxay Xirfad?

rkj
0


 Xirfad / Shaqo micnaheedu waa in aad taqaan ugu yaraan Xirfad, taas oo ah wax aad beri ku shaqo tagi karto hadii ay kuuso baxdo shaqo taas oo aad xirfadeeda leedahay..

Xirfadu waa wax mararka qaarkood aad isku aragto adigoo (hibo/deeq xagga rabbi) ahaan uleh oo dadka kale aysan taas laheyn lkn maka dhigna in aadan sii dadaalin oo aadan sii kordhisan Xirfadii aad hibada ulaheyd ee aad ku fiicneyd waa in aad kasii wadaa meesha aad joogto iyo Xirfada aad ku hamineyso inaad yeelato,

Baro wax badan oo kororso cilmi kuna dabaq Xirfadaada si  wax qabadkaaga uu ugu soo baxo mid aan meel dhaw looga soo harin ee waqti iyo tamar badan lageliyey Ha dhayalsan waxbarashada hana is dhihin ma joogtid waqti aad wax sii barato amaba aad kasii daba wareegto waxbarasho iyo howlaheeda waayo marka aad wax baratid waxaad baratayna aad ku qanacsan tahay in ay yihiin cilmi waxtar uleh naftaada, bulshadada iyo dadkaaga inta ubaahida qabta..

Caalamka Xirfada waxaa looga qiimeeyaa si aadan maleysan karin Qofka xirfada leh waliba ku shaqeeya xirfada uu leeyahy waa qof aad loo qadariyo/qiimeeyo..


Waxaan ku dadaaleynaa aniga iyo Team-keyga soo saarida iyo gacan qabashada Dhalinteena si ay caalamka ula jaanqadaan iyagoo leh Xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan Naftoodana ku hormarin karaan, Si aad usameyso is badal xaga xirfadaada ah waxan kugula talineynaa in aad Nagu soo biirto  si ay dhiiragelin kugu noqdaan articles ka aan halkan kuso gudbino had iyo jeer..

New Tech Forums

https://t.me/newtechforums1

Tags

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)